Tag Archives: dil

Iyaga Cafi

Kolkay wadeen, waxay qabteen Simoon reer Kuranaya ah isagoo beeraha ka soo socda, waxayna saareen iskutallaabtii inuu Ciise ka daba qaado. Waxaana la socday dad badan iyo dumar laabta garaacaya oo barooranaya. Laakiin Ciise intuu u soo jeestay, wuxuu ku … Sii akhri

Posted in Buugaagta, Jeclahay, Nolosha, Rumaysad, Suugaanta | Tagged , , , , , , , , , | Faallo u dhaaf

Go’aan Khaldan

Nimankii Ciise qabtay way ku kajameen oo garaaceen. Oo intay indhaha ka xidheen ayay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Noo sheeg, yuu yahay kan kugu dhuftay? Wax badan oo kalena ayay ku lahaayeen iyagoo caayaya. Kolkuu waagii beryay, waxaa ururay waayeelladii … Sii akhri

Posted in Buugaagta, Jeclahay, Nolosha, Rumaysad, Suugaanta | Tagged , , , , , , , , , , , , , | Faallo u dhaaf

Hal Su’aal

Maalmahaa middood intuu Ciise dadka macbudkii wax ku barayay oo injiilka kaga dhex wacdiyeyey, waxaa dhacay in wadaaddada sare iyo culimmada ula yimaadeen waayeellada oo la hadleen oo ku yidhaahdeen, Noo sheeg, Amarkee baad waxan ku samaysaa? Oo yuu yahay … Sii akhri

Posted in Buugaagta, Jeclahay, Nolosha, Rumaysad, Suugaanta | Tagged , , , , , , , , | Faallo u dhaaf

Dabaaldeg Weyn

Goortuu waxaas ku hadlay ayuu hore u socday oo Yeruusaalem tegey. Goortuu Beytfaage iyo Beytaniya ku dhowaaday ilaa buurta Buur Saytuun la yidhaahdo ayuu laba xer ah diray, isagoo leh, Tuulada idinka soo hor jeedda taga, tan goortaad gashaan aad … Sii akhri

Posted in Buugaagta, Jeclahay, Nolosha, Rumaysad, Suugaanta | Tagged , , , , , , , , , | Faallo u dhaaf

Madow Duhurkii

Markaasaa askartii isaga geeyeen barxaddii dhexdeeda, taasoo la odhan jiray Baraytoriyon, waxayna isugu yeedheen askartii oo dhan. Waxay u geliyeen dhar guduudan, oo taaj ayay qodxan uga texeen, oo madaxiisay saareen. Markaasay salaameen oo waxay ku yidhaahdeen, Nabad, Boqorka Yuhuuddow. … Sii akhri

Posted in Buugaagta, Jeclahay, Nolosha, Rumaysad, Suugaanta | Tagged , , , , , | Faallo u dhaaf

Qalad Weyn

Aroortii kolkiiba wadaaddadii sare waxay la wada hadleen waayeelladii iyo culimmadii iyo shirkii oo dhan. Ciisena way xidheen oo kaxeeyeen oo waxay u dhiibeen Bilaatos. Bilaatos wuxuu weyddiiyey, Ma Boqorka Yuhuudda baad tahay? Wuu u jawaabay oo ku yidhi, Waad … Sii akhri

Posted in Buugaagta, Jeclahay, Nolosha, Rumaysad, Suugaanta | Tagged , , , , , | Faallo u dhaaf

Muujinta Jacaylka

Laba maalmood dabadeed waxaa jiray Iiddii Kormaridda iyo Iiddii Kibistii-aan-khamiirka-lahayn. Wadaaddadii sare iyo culimmadii waxay doonayeen si ay khiyaano ugu qabtaan oo ay u dilaan. Waayo, waxay yidhaahdeen, Yaanay noqon wakhtiga iidda si aan rabshad dadka uga dhex kicin. Ciise … Sii akhri

Posted in Buugaagta, Jeclahay, Nolosha, Rumaysad, Suugaanta | Tagged , , , , , | Faallo u dhaaf

Jawaab La Yaab Leh

Mar kale ayay Yeruusaalem yimaadeen. Oo goortuu macbudkii dhex marayay waxaa u yimid wadaaddadii sare iyo culimmadii iyo waayeelladii. Markaasay waxay ku yidhaahdeen, Amarkee baad waxan ku samaysaa? Yaa amarkan ku siiyey inaad waxan ku samayso? Ciise ayaa u jawaabay … Sii akhri

Posted in Buugaagta, Jeclahay, Nolosha, Rumaysad, Suugaanta | Tagged , , , , , | Faallo u dhaaf

Dhimashada Xabsiga

Meeshaas ayuu ka tegey oo waddankiisii yimid, xertiisiina way soo raaceen. Goortii sabtida la gaadhay ayuu bilaabay inuu sunagogga wax ku baro; dad badan oo maqlayaana way la yaabeen, oo waxay yidhaahdeen, Ninkanu xaggee buu waxyaalahan ka helay? Oo xigmaddan … Sii akhri

Posted in Buugaagta, Jeclahay, Nolosha, Rumaysad, Suugaanta | Tagged , , , , , | Faallo u dhaaf

Sheeko Dil

Ciise ayaa ku yidhi, Maqla masaal kale. Waxaa jiri jiray nin oday reer u ah, oo beer canab ah beertay, oo ood ku heeraaray, dabadeedna god macsareed ka dhex qoday, oo munaarad ka dhisay, oo niman beerrey ah u kiraystay, … Sii akhri

Posted in Buugaagta, Jeclahay, Nolosha, Rumaysad, Suugaanta | Tagged , , , , , | Faallo u dhaaf