Tag Archives: Buugaagta

Diyaar U Ah Dagaal

Oo markaasaan arkay malaa’ig samada ka degaysa, oo waxay gacanta ku haysatay furihii yamayska iyo silsilad weyn. Oo markaasay qabsatay masduulaagii ahaa maska duqa ah, kaasoo ah Ibliiska iyo Shayddaanka, oo intii kun sannadood ah ayay xidhay, oo waxay ku … Sii akhri

Posted in Buugaagta, Jeclahay, Nolosha, Suugaanta | Tagged , , , , , | Faallo u dhaaf

Ilmihii

Wakhtigaas waxaa dhacay in amar ka soo baxay Kaysar Awgustus in dadka dunida jooga oo dhan la qoro. Qorniinkaas kolkii ugu horreeyey waxaa la sameeyey markii Kuranayos xukumi jiray Suuriya. Dhammaan waxay u wada tageen in la qoro, mid kastaba magaaladiisii. Yuusufna … Sii akhri

Posted in Buugaagta, Suugaanta | Tagged , | Faallo u dhaaf

Jidkii nabadda

Maalmahaas Maryan baa kacday, oo waxay dhaqso u tagtay dhulkii buuraha lahaa ilaa magaalo ka mid ah reer Yahuudah, oo waxay gashay gurigii Sakariyas, oo salaantay Elisabed. Oo waxaa dhacay goortii Elisabed salaantii Maryan maqashay in ilmihii uurkeeda ku boodbooday; Elisabedna … Sii akhri

Posted in Buugaagta, Suugaanta | Tagged , | Faallo u dhaaf

Doonanayd

Dad badan waxay ku dadaaleen inay soo hagaajiyaan sheeko ku saabsan wixii dhexdayada lagu sameeyey oo la hubsaday, siday noo ogeysiiyeen kuwii tan iyo bilowgii arkay oo Ereygii u shaqeeyey. Sidaa darteed anigana waxaa ila wanaagsanayd inaan, anigoo tan iyo bilowgii … Sii akhri

Posted in Buugaagta, Suugaanta | Tagged , | Faallo u dhaaf

Sii daayay

Jacaylka walaalnimadu ha sii jiro. Ha illoobina inaad shisheeyaha marti qaaddaan, waayo, sidaas qaar baa malaa’igo u marti qaaday iyagoo aan ogayn. U xusuusta kuwa xidhan sidii idinkoo iyaga la xidhan, iyo kuwa la silciyey sidii idinkoo isku jidh ah. Guurka hala … Sii akhri

Posted in Buugaagta, Suugaanta | Tagged , | Faallo u dhaaf

Farxad

Sidaas daraaddeed, innagoo haysanna markhaatiyaal badan oo sida daruur u weyn oo inagu wareegsan, aynu iska dhigno culays kasta iyo dembiga dhibyaraanta inoogu dhegaya, oo aynu adkaysasho ku orodno tartanka ina hor yaal, innagoo fiirinayna Ciise oo ah Bilaabaha iyo Dhammeeyaha … Sii akhri

Posted in Buugaagta, Suugaanta | Tagged , | Faallo u dhaaf

Wax ka wanaagsan

Rumaysadku waa hubaasha waxyaalaha la rajeeyo, iyo xaqiiqaynta waxyaalaha aan la arkin. Waayo, saasaa loogu markhaati furay waayeelladii. Rumaysad ayaynu ku garanaynaa in duniyooyinka lagu abuuray erayga Ilaah, sidaas daraaddeed waxa la arko lagama samayn waxa muuqda. Haabiil rumaysad ayuu Ilaah … Sii akhri

Posted in Buugaagta, Suugaanta | Tagged , | Faallo u dhaaf

Rajadeenna

Waayo, sharcigu wuxuu leeyahay hooska waxyaalaha wanaagsan oo iman doona, laakiin ma leh suuradda waxyaalahaas qudheeda. Oo caabudayaasha marnaba kaamil kagama uu dhigi karo allabaryo sannad walba had iyo goor la bixiyo. Haddii kale miyaan la joojiyeen in allabaryo la bixiyo? … Sii akhri

Posted in Buugaagta, Suugaanta | Tagged , | Faallo u dhaaf

Waxyaalaha wanaagsan

Xataa axdigii hore wuxuu lahaa qaynuunno ku saabsan caabudid, iyo meel quduus ah ee dunidatan. Waayo, waxaa la dhisay taambuug; intii hore waxaa ku jiray laambadaha isku yiil, iyo miiska, iyo kibista tusniinta, oo waxaa la odhan jiray Meeshii Quduuska … Sii akhri

Posted in Buugaagta, Suugaanta | Tagged , | Faallo u dhaaf

Ugu muhimsanaa

Waxyaalihii la yidhi wixii ugu muhimsanaa waa kan, Waxaynu leennahay wadaad sare oo caynkaas ah, kan fadhiistay midigta carshiga Weynaha jannooyinka ku jira, kan u adeega waxyaalaha quduuska ah iyo taambuugga runta ah ee Rabbigu dhisay oo aan dad dhisin. Waayo, … Sii akhri

Posted in Buugaagta, Suugaanta | Tagged , | Faallo u dhaaf