Tag Archives: caafimaadka

Weynaanta Runta Ah

Maalintii xigtay, goortay buurta ka soo degeen, waxaa dhacay in dad badni la kulmay isaga. Oo bal eeg, nin dadkii badnaa ka mid ah ayaa qayliyey isagoo leh, Macallimow, waxaan kaa baryayaa inaad wiilkayga eegto, waayo, waa madigayga, oo bal … Sii akhri

Posted in Buugaagta, Jeclahay, Nolosha, Rumaysad, Suugaanta | Tagged , , , , , , | Faallo u dhaaf

Caqliga Wanaagsan

Maalin sabti ah waxaa dhacay inuu beeraha dhex marayay, xertiisuna waxay jarteen sabuulladii, oo intay gacmahooda ku xoqeen ayay cuneen. Laakiin Farrisiintii qaarkood waxay ku yidhaahdeen, Maxaad u samaynaysaan wixii aan xalaal ahayn in sabtida la sameeyo? Ciise ayaa u … Sii akhri

Posted in Buugaagta, Jeclahay, Nolosha, Rumaysad, Suugaanta | Tagged , , , , , | Faallo u dhaaf

Isaga Oo Raadinaya

Wuxuuna u degay Kafarna’um oo magaalada Galili ah. Oo maalmihii sabtida ayuu dadka wax barayay. Waxbariddiisiina way la yaabeen, waayo, hadalkiisu amar buu lahaa. Waxaana sunagogga joogay nin jinni wasakh leh qaba. Cod weyn ayuu ku qayliyey, oo wuxuu yidhi, … Sii akhri

Posted in Buugaagta, Jeclahay, Nolosha, Rumaysad, Suugaanta | Tagged , , , , , , | Faallo u dhaaf

Madax Furasho

Waxay ku socdeen jidka xaggii Yeruusaalem, Ciisena waa hor marayay. Wayna yaabeen oo intay daba socdeen way baqeen. Kolkaasuu laba-iyo-tobankii haddana waday oo bilaabay inuu u sheego waxa isaga ku dhici doona, oo wuxuu ku yidhi, Waxaynu ku soconnaa Yeruusaalem. … Sii akhri

Posted in Buugaagta, Jeclahay, Nolosha, Rumaysad, Suugaanta | Tagged , , , , , | Faallo u dhaaf

Isbeddel Cajiib Ah

Lix maalmood dabadeed Ciise wuxuu waday Butros iyo Yacquub iyo walaalkiis Yooxanaa, oo wuxuu keligood geeyey buur dheer. Hortoodana ayuu ku beddelmay, wejigiisuna sida qorraxda oo kale ayuu u dhalaalay, dharkiisuna sida nuurka oo kale ayuu u caddaaday. Oo bal … Sii akhri

Posted in Buugaagta, Jeclahay, Nolosha, Rumaysad, Suugaanta | Tagged , , , , , | Faallo u dhaaf

Ha Ka Baqin

Markii Ciise haddana dhanka kale doonnida ugu gudbay ayaa dad faro badan u soo ururay, isaguna badda agteeda ayuu joogay. Waxaa u yimid taliyayaasha sunagogga midkood ee Yayros la odhan jiray, oo markuu arkay, cagihiisa ayuu isku riday, oo aad … Sii akhri

Posted in Buugaagta, Jeclahay, Nolosha, Rumaysad, Suugaanta | Tagged , , , , , , | Faallo u dhaaf

Labada Walaalo Ah

Intuu Ciise Yeruusaalem ku socday, laba-iyo-tobankii ayuu keli ahaantood waday, oo intay jidka ku socdeen ayuu ku yidhi, Waxaynu ku soconnaa Yeruusaalem. Wiilka Aadanahana waxaa loo dhiibi doonaa wadaaddada sare iyo culimmada; oo waxay ku xukumi doonaan dhimasho. Waxayna u … Sii akhri

Posted in Buugaagta, Jeclahay, Nolosha, Suugaanta | Tagged , , , , , | Faallo u dhaaf

Dareen Caadi Ah

Wakhtigaas Ciise wuxuu sabtidii dhex maray beeraha, xertiisuna waa gaajaysnayd, oo waxay bilaabeen inay sabuulladii jartaan oo cunaan. Laakiin Farrisiintii goortay arkeen, waxay isaga ku yidhaahdeen, Eeg, xertaadu waxay samaynayaan wixii aan xalaal ahayn in sabtida la sameeyo. Laakiin wuxuu … Sii akhri

Posted in Buugaagta, Jeclahay, Nolosha, Suugaanta | Tagged , , , , , | Faallo u dhaaf

Way Iska Tuureen

Ciise intuu socday, wuxuu arkay nin indhala’aan ku dhashay. Xertiisu waxay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, yaa dembaabay, ma kan baa mise waa waalidkiis, inuu indhala’aan ku dhasho? Ciise ayaa ugu jawaabay, Ninkan iyo waalidkiis midna ma dembaabin, laakiin waa … Sii akhri

Posted in Buugaagta, Jeclahay, Nolosha, Suugaanta | Tagged , , , , , | Faallo u dhaaf

Saaxiibka

Waxaas dabadeed waxaa jirtay iiddii Yuhuudda, oo Ciise ayaa Yeruusaalem u kacay. Waxaa Yeruusaalem jirtay, Albaabka Idaha agtiisa, war biyo ah oo af Cibraani lagu yidhaahda Beytesda oo leh shan balbaladood. Meelahaas waxaa jiifay dad badan oo buka oo indha … Sii akhri

Posted in Buugaagta, Jeclahay, Nolosha, Suugaanta | Tagged , , , , , | Faallo u dhaaf